Sunday, August 4, 2013

Soomaalida dad qabiilku qarqiyay!

Qaybtii 2aad.

Gumaysigii reer galbeedka (Talyaaniga) sidii qorshihiisa gumaysi uu ugu fuli lahaa wuxuu adeegsaday dhallinyaro markii horeba gacan yarayaal u ahaa una adeegi jiray raggii dhaqanka. Kuwaas oo loogu yeeri jiray (sagalo) iwm. ayaa gumaysiga u keeni jiray ama farta uGu fiiqi jiray dhallinyaro (wiil & gabar) ayagana loo isticmaalo Qalab ahaan (tool). 


Xilligii xornimo doonka!
 Guud ahaan soomaaliada wey ka wada sinnayd in la iska qaado gumaysiga. dadkii ka soo horjeeday gumaysiga waxay markii horeba dil ku bilaabeen kuwii u adeegi jiray gumaysiga. 1945-tii, xisbigii xornimo doonka ahaa ee (SYL) ayaa la aasaasay in kastoo magacii hore uu ahaa Somali Youth Club SYC, ka dib maxaa dhacay?... is qabqabsi ka yimid qabyaalad ka dibna waxaa ururka isaga tegay asaasayaashii ururka  oo mar kale aasaasay ururkii la dhihi jiray (HDMS) Hizbia Digil Mirifle Somali ka dibna isu beddelay HDMS Hizbia Dastuur Mustaqbal Somali. In ka badan 80-meeyo Urur oo xambaarsan magac qabiil amaba magac degaan ayaa samaysmay Sida SNL, USP,. dilalna waa ay dhaceen!. waayo, si hoose ayaa aano qabiil la isugu dili jiray.                                                               (aqri La Somalia Italiana 1945) ama Wikipedia Somali Youth League).

Xilligii dowladdii rayidka ahayd ee 1960-kii!
Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu hamuun qabeen xornimo iyo dowlad Soomaaliyeed oo dhulka Soomaaliyeed ka arrimisa inay mar uun arkaan. gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa 26-kii juun waxay qaateen xorriyad, halka 1-dii luulyo-na ay Gobollada Koofureed xoroobeen isla markaana waqooyi iyo koofur midoobeen. Dowladdii rayidka ahayd oo ay hoggaaminayeen dad aan aqoon sidaas loo sheego lahayn haddana markii ay wax yar jirtay waxaa soo if baxay qabyaaladdii. waxaan tusaale u soo qaadan karnaa shiribkii ahaa; Rashiid ka qaad Rasaaq u dhiib inta kale ma rootiyaa! Musuqmaasuqa iyo adeegsiga qabiilka wuxuu iska ahaa mid baahsan balse shacabku aanu u muuqan. baarlamaankii dowladdii rayidka ahayd dhexdiisa ayuu ka bilaabmay is qabqabsiga uGu dambayntiina  Oktoobar 1969kii waxaa la dilay madaxweynihii dowladdaas.

Xilligii Kacaanka!
Dilkii madaxweynihii dowladdii rayidka ahayd ka dib waxaa baarlamaanka dhexdiisa ku xoogaystay is qabqabsigii qabaa'ilka kaasoo ku salaysnaa kursiga madaxweynaha ciddii qaban lahayd.
21-kii Oktoobar 1969-kii ayaa ciidamadii qalabka siday (Xoogga Dalka Soomaaliya), si fudud kula wareegeen maamulkii dalka dowladdii rayidka ahaydna sidaasi meesha uga baxday. Shacabka (qof kasta) Buulkiisa ayuu madaxa gashaday ka dib markii la arkay in meel kasta ay la wareegeen ciidamada, shibeey-shib. Laba sanadood ka dib, 1972 dii, maalin maalmaha ka mida ayaa, anigoo ah arday dugsiga hoose kana soo rawaxay school-kii, waxaan, meel barxad ahayd oo ku tiilay meesha hadda uu ka dhisan yahay baarlamaanka (golaha shacabka) soona xigtay dhanka baar bulsho ee beerta daraawiishta, ka dul dhacay khudbad uu jeedinaayay qof ka mid ahaa madaxdii kacaanka oo markaas dalka maamulkiisa gacanta ku haysay (madaxweyne ku xigeen) . waxaan ka mid noqday shacabkii markaas meesha dhoobnaa ee dhageysanayay khudbadii socotay, waxaa meesha yiilay gaari xamuul ahaa oo uu saarnaa sanam dhoobo laga soo sameeyay oo sidii qof loo qoray oo calool weyn iyo ilko dhaadheer leh oo aad loo fool xumeeyay. Waxaan ka xusuustaa laba erey oo markaas aan filaayo inay ku saabsanaayeen munaasabdii meeshaas ka jirtay. Ereyga uGu muhiimsanaa ee munaasabadaas xoogga ku lahaa wuxuu ahaa: "maanta laga bilaabo waxaanu aasaynaa qabiilka" ereyga kale ayaa isna wuxuu ahaa; "xaafaddan hadda aynu joogno waxaa hadda ka dib loogu yeeri doonaa Hawlwadaag" uGu dambayntiina waxaa gaariga laga soo dejiyay sanamkii ka dibna  shacabkii meesha ku sugnaa ayaa si xamaasad leh ugu burburiyay sanamkii ayagoo ku dhawaaqaayay "aasa qabiilka aasa iwm." dadka inta badan dhagxaan meesha dhoobnaa ayay ku tuurtuurayeen waayo, waxaan filayaa in markaasiba uu baarlamaanka dhisme ku socday. Run miyay ahayd in qabyaaladda la aasay? maya .. maya, qabyaaladda sidee uGu aasmi kartaa Soomaaliya? Seeftii kacaanka ayuu qof kastaa ka baqaayay, laakiin gudaha iyo hareeraha maamulkaas dadka ka ag dhow waxay awoodeen inay qaab dowladeed u adeegsadaan qabyaaladdu ama hanti qaran ha lagu dhaco ama mid gaar ahaneed ha lagu dhaco ama dhul ha lagu dhaco ama beer ha lagu dhacee. 80-meeyadii wax daah ah ma saarnayn qabyaaladdu. Qof kasta oo markaasi wax fahmaayay ayaa bilaabay inuu ku fekero sidii uu mar uun u noqon lahaa madax si uu hanti u helo qabiilkiisana siiba laftiisa uu naas u nuujin lahaa, waa tii hal mar ay bahashu qaraxday. kabteyda yaa arkay armeyna ka dhicin!.

Waa socotaa.....
W/qoray: Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf
ayfo_org@yahoo.com
www.blogspot/aayuusuf.com

No comments:

Post a Comment