Hordhac
Adduunyadan aynu ku nool nahay waxay u qaybsantaa shan qaaradood in kastoo waddamada qaarkood sida dugsiyada Yurubta oo lagu barto in qaaraduhu yihiin lix (6 qaaradood), Africa, America, Asia, Australia/Oceania, iyo Europe, sida lagu muujiyo shanta graangar (goobo) ee calaamadda u ah Cayaaraha Olympi-kada adduunka. Si kastaba ha ahaatee, qaarad kasta waxay ka kooban tahay waddamo isla markaana waddan kastaa leh magac u gooni ah, ka soo qaad, qaaradda Asia quruumaha degan waxaa la dhahaa Asiyaan waxayna ka kooban tahay 44 dal waxaa ka mid ah dalka shiinaha oo markiiba ay maskaxdaada ku soo dhacayso dadka deggan in la yiraahdo shiinees oo isla mar ahaantsna indhahoodu ay yaryar yihiin.
Soomaaliya:
Soomaaliya waa dal ku yaala geeska Afrikada bari. khariidadeedu waxay u sawirantaa sida lambarka toddobada oo kale (7), mararka qaar waxaa lagu sheegaa jasiirad u eg marka loo fiiriyo halka ay kaga taal qaaradda. Xilligii gumaysiga, Soomaaliya waxaa loo kala qaybiyay laba (waqooyi iyo koofur) taasoo keentay labadii dal ee somaliya kala gumaysan jiray ee Ingiriiska iyo Talyaaniga; (British Somali land iyo Italian Somali land). Ha yeeshee, Soomaaliya waxay ka kooban tahay, marka loo fiiriyo xilligii kacaanka (xukuumaddii militeriga), siddeed iyo toban gobol (18 gobol) oo kala ahaa:
1-Awdal. 2-Banaadir. 3-Bari. 4-Togdheer. 5-Sool. 6-Galguduul. 7-Hiiraan. 8-Gedo. 9-Waqooyi galbeed. 10-Mudug. 11-Shabeelaha dhexe. 12-Shabeelaha hoose. 13-Bay. 14-Bakool. 15-Jubbada dhexe. 16-Sanaag. 17-Jubbada hoose. iyo 18-Nugaal.
Gobol kasta wuxuu leeyahay qaab dhismeed Eebe ugu talo galay oo xikmaddiisa ku dhisan, Sida Buuro, dhul siman, dooxooyin, webiyo, bad, dhir u gaar ah oo lagu yaqaano iyo khayraad kala duduwan oo ay dadka iyo duunyaduba manaafacaadsadaan sida; xoolo, daaqsin, bado iyo beero, sidaas ayayna dadku weligoodba ku kala qanacsanaan jireen. Gobol kasta ee ka mida gobollada aan kor ku soo xusay waxaa dega dad Soomaaliyeed balse ku kala duduwan hab dhaqanka, meheradaha iyo weliba lahjadaha ay ku kala hadlaan, si kastaba ha ahaatee gobol kastaaba waxaa lagu yaqaanaa oo loo nisbeeyaa dad (qolo). Ka soo qaad hadii aan ku iraahdo HARGEYSA, waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaaya qolo oo ah dadka meesha deggan (qabiil), haddii degmo ka mida demooyinka gobollada soomaaliya la sheego markiiba waxaa maskaxdaada ku soo dhacaaya dadka meesha dega (indigenous) ee loo yaqaano.
Guri (autoctoni) iyo Galti (non-autoctoni)
Way jirtaa in laga helo degmo, dad (Galti) aan loo nisbaynin balse la dega dadka degaanka (Guri), isla markaana laga yaabo inay ku qaaraan yihiin dadka degaanka. Dadkaas waxay degaankaas ku iman karaan siyaabo kala duduwan waxayna ku yeelan karaan (la siiyay) degaan iyo meherad (xoolo, beer iwm) ayagoo hoos tegaaya nidaamka iyo xeerarka degaanka u yaala.
GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE?!
Gobolka shabeelaha hoose waxa uu ka mid yahay gobollada dalka jasiirad u egta ah ee Soomaaliya. Gobolka waxa uu ku yaalaa koofurta dalka Soomaaliya, wuxuu ka kooban yahay degmooyin sida; Marka, Qoryooleey, Aw-dheegle, Afooye, Baraawe, Kurtun waareey, Wanleweyn. Degmooyinkan marka aad mid kasta si gaar ah u eegto, waxaa kuu soo sawirmaaya Qabaa'il loo tiriyo. Bal haddaba mid mid u fiiri. Haddii aan soo qaadano qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaadana aan bal mid mid u fiirino qabaa;ilada dega ee loo yaqaano inta badan. Shalamboot, Janaale, Buulo mareer, Mubaarak, Ugunji, Jilib marka, Leego, Basra, Jambaluul, Kuraale, Gaywaroow, Warmaxan, Leego, Buulaloow, Doon yarow, Doon weyne, Lafo-gaalo, Warmooleey, Toortooroow, Mubaarak, Bariire, Degwariiri, Buulo sheekh, Jeeroow, Baladul amiin, Jeeroow, Moordiinle, Warmaxan, Malable, Aw Goye, Farxaani, Cabdi Cali, Jasiira, Gendershe, Lambar konton, iyo... iyo... ... Intaan oo degmo iyo qaar ka mid ah tuulooyinkan ma jiraan mid ay galtidu, oo hadda u soo tafa xaytay inay xoog ku yeeshaan Gobolka shabeelaha hoose, mid ay toos u degan yihiin oo lagu magacaabo ?
Janaale
Afgooye
No comments:
Post a Comment