Xilligii fawdada iyo dagaaladii sokeeye!
Qaybtii 3aad.
Markii dowladdii kacaanka ay dhexda ka baxday, waxaa bilaabatay in ururkii muqdisho qabsaday ee USC xaafadaha xamar qabiil lagu kala qaybsado, isla markaana waxaa soo ifbaxay ururro xambarsan magaca qabiilka. USC (Hawiye), SDM (Digilmirifle), SNM (Dir), SPM (ogaadeen), SSF (Majeerteen) iyo kuwo kaloo badan oo xarafka [ S ] ka wada bilaabma. Qabiil qabiil ayaa la isu ugaarsaday sidii in weligeed aan dib dambe la isugu soo noqon doonin ayaa la isula dhaqmay. Dhac, dil, jir jil, kufsi aflagaado iwm ayaa dhacay. qabiil kasta wuxuu abada gashaday meeshii uu ka soo jeeday (Degaankiisii).
Dagaaladii sokeeye
Dagaaal sokeeye waa dagaal ka dhex dhaca laba koox, urur, qabiil iwm. oo ka soo jeeda hal dal ama hal gobol iwm. Culumaa'uddiin, aqoon-yahan, wax garad, habeen iyo caruur iyo waayeel ayaa qabiil ahaan loo ihaanaystay inti ay socdeen dagaaladii qabaa'ilka (sokeeye) in fara badanna noloshooda ayay ku waayeen. Urur waa la iskala baxay, beel-beel iyo weliba laf-laf ayay gaartay. Dadkii sanado badan deris ahaa oo sidii walaalaha u dhaqmi jiraray warkooda iska daa, waxaa kala dhex galay ceeryaamo. wey kala baqaayeen. Waa la kala tegay. Mashriq iyo Magrib ayaa loo kala firdhaday.
"Anagoo reer hebel ah" wuxuu ahaa erey aad iyo aad uGu dhex baahay soomaalida. Tan uGu daran ayaa ahayd marka qof la dilo ama la arko meyd meel yaala waxaa la dhihi jiray "yuu yahay?!"
Hoggaamiye kooxeed!
Ururradii markii horeba ku dhisnaa qowmiyad ayaa markii dambe u kala dhambalmay beelo iyo jufooyin oo jufo kastaa waxay yeelatay hoggaamiye. hoggaamiye kastaana wuxuu xirtay xaafaddii uu degganaa oo ay beeshiisu ku badnayd maamul isaga u gaar ahna u samaystay. qofna xaafadda beeshiisu deggan tahay ma dhaafi jirin. qofkii xaafad aan beeshiisu degganayd lagu arko waxaa la dhihi jiray waa sahan (basaas), adiga bal sheeg waxa la sahaminaayo!..
xabbadaha iyo madaafiicda waxaa loo tuuri jiray meesha qabiilka lala gagashan yahay uu deggan yahay, cidda uu doono ha ku dhaco kolleey sow reer hebel uun ma ahan!
Mooryaan!
ciidamada hoggaaamiye kooxeedyada nolo maalmeedkooda waxay ka raadsan jireen shacabka oo ay u gali jireen jidadka si ay u baaartaan, kuwaasi waxaa lagu magacaabi jiray mooryaan. Cid ay u aaba yeeli jireen lama arko waxay yaqaaneen oo kaliya dhaqaalaha ama shayga qaaliga ah ee ay ka furanaayaan qofkii shabaqooda uGu soo dhaca.
Isbahaysigii maxkamadaha!
Dagaallo hadday dhacaan dhibaatooyin aad u baaxad weyn ayaa ka dhasha. Markii mooryaantii maara loo waayey, beel kasta waxay xaafadda ay deggan tahay ka samaysatay maxkamad oo ay uGu magic dareen Islaami si loo cabsi geliyo mooryaanta si xaafaddaasi ay u noqoto ammaan. Sidii ururradii qabaa'il ee [S] kawada bilaaban jiray ay u samyameen ayay maxaakiimtana u samaysmeen iyadoo qabiil kasta uu samaystay maxkamad. Balse, hoggaamiye kooxeedyadii ayay u cuntami weyday maxaakiimta iyo dhaqankooda, waxaa bilaabmay is ugaarsi maxaakiimta iyo hoggaamiye kooxedyadii. waxaa ka dib maxakiimtu samaysteen Isbahaysigii lagu magacaabi jiray Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamiga. Sidoo kale ayay ayagoo naftooda u baqaaya hoggaamiye kooxeedyadii samaysteen isbahaysi ay uGu magic dareen Argagixiso la dirir. Dagaal looga adkaaday argagixiso la dirirka iyo isbahaysigii maxaakiinta ayaa dhacay. si daran-doori ah ayay u samaysmeen maxaakiim islaami. guushii maxaakiimta ka dib ayay bilabeen inay u hanqal taagaan inay qabsadaan degaano kale iyo gobollo si ay u ballaarsadaan xukunkooda. qaab-dhismeedka isbahaysigii maxaakiimta ma ahayn mid ka duwan
qaabkii ay u dhisnaayeen ururadii ka horeeyay,(hab qabiil wax ku qaybsi).
Dowladdii ku meel-gaarka!
Sannadkii 2004-tii ayaa dalka Kenya lagu soo dhisay dowlad ku meelgaar ahayd.
Dowladdaas ayaa iyadana lagu soo dhisay habkii qabaa'ilka ee 4.5 -ka la dhihi jiray. Qabiil ahaan ayaa dowladdaasi loola dagaalay. 2008-dii ayaa madaxweyne kale loo doortay dowladdii KMG ahayd. dhismaha dowladda ayaa mar walba lagu saleyn jiray qabiil.
waa socotaa
No comments:
Post a Comment