Sunday, November 17, 2013

Afgooye, Gees (xagal) ka mid ah Jannadii dhulka.

Isbed-beddelka socodka taariikhed iyo hadba sida ay mugdiga u geleyso mudnaan lahaanshaha iyo aayo ka talinta degmada Afgooye.

Hordhac:

Taariikhdu, sida badan laba siyaabood ayay ku gaari kartaa jiilka iman doona (the next generation).
Waa marka hore e, iyada oo sheeko ahaan lo sheego (traditional history), taasna waxaa nasib u yeelan kara qofkii ku soo gaara  awooweyaashiisa oo nool iyo habka kale oo ah iyadoo la qoro (written story).
Guud ahaan, qoraayaal carbeed iyo kuwo reer galbeed ah oo Soomaaliya soo gaaray qarniyo hore ayaa wax ka qoray inta badan taariikhda degmada Afgooye. Balse. sababta aan qalinka u qaatay ayaa waxay tahay inaan isku dayo sidii aan wax yar uga iftiimin lahaa xilligii iyo sidii ay ku bilaabatay in degmada Afgooye ay markasta u maamulaan dad aan, haba yaraatee, wax raad ah ku yeelan karin taariikh ahaan iyo degaan ahaan intaba iyo sababta ka dambeysa in ay taasi dhacdo. Inta aynaan u guda gelin qormadeenan bal aan is yara xusuusino in, ka hor qarnigii 19aad, reer galbeedkii iman jiray geeska Afrika ay ku hungoobi jireen inay gudaha u galaan Afgooye. Laba wiil oo walaalo ah oo u dhashay dalka Netherlands oo laba jeer ee kala duduwan gaaray Afgooye ayaan la ogayn halka ay ku dambeeyaan (horn of Africa in 1730 ). Degmada ilaaladeeda aad ayuu u adkaa. Qo aan la aqoonna si fudud gudaha uma uu geli kareynin, qofkii yimaada waxaa la weydiin jirey halka iyo qofka uu u socdo ayadoo korkana lagala socon jiray (undercontrol), ilaa horaantii toddobaatameeyadii waa muuqanaysay astaantaas. Halkaasina waxaad ka garan kartaa xagga sirdoonka iyo amniga ee saldanaddii Ggaladi-ga uu aad u sareeyay. (Dagaalladii Lafoole iyo Lafo-gaalo tusaale inoogu filan). Socotadii (travellers) reer galbeedka qaarkood ee soo gaaray Afgooye qarnigii 17 aad, ayagoo tilmaamaaya halka ay ku taalo, dhirteeda waaweyn, waddooyinkii ganacsi ee dhexmari jiray iyo webi shabeele oo dhexmara ayay ku tilmaameen inay tahay "Gees (xagal) ka mida jannadii dhulka" Un' angolo del paradiso terrestre.
                                                                                                                                                           Afgooye 1936
Goorma ayay bilaabatay maxaase u sabab ah!
Dhacdo kasta sida ay doontaba ha ahaatee, ee soo ifbaxda ama la arko xilliga markaas  la joogo (in the present time) waa mid hore u soo bilaabaty oo keentay sabab (reason). Hadaba haddii ay afgooye ahayd sida aan hordhaca uga soo hadalnay (si aad u kooban), waxaa la is weydiin karaa su'aasha ah;(maxaa keeni kara inay mugdi gasho mudnaan lahaanshaha iyo aayo ka talinta degmada Afgooye). Waxii ka dambeeyay 1878 dii waxaa bilaabmay burburkii saldanaddii awooda badnayd ee Galadi, mar haddii maamul awoodiisa mileteri ay yaraatana waxaa ku xigaaya in hay'adihii maamul ee asaasiga ahaana ay kala daataan.
Waxay soo socotaba markii gumaysigii reer galbeedka (Talyaaniga) uu soo caga dhigay geyiga Soomaaliya 1890 kii waxa uu bilaabay inuu ku dhaqaaqo qorshihii lagu gaaray shirkii baarliin ee 1884 ee ahaa qaybi oo xukun (divide and rule). Markiiba waxaa soo ifbaxay fikrado  kala duduwan taasoo ugu dambayntii keentay isgaashaanbuuraysi ka dhex dhashay odayaashii iyo akhyaartii degmada Afgooye taasna waxay gumaysiga u sahashay inuu markiiba saldhigto sidii uu rabayna u fushado ujeedooyinkii gumaysi. waxaana u suura gashay inuu isku fidiyo dhulbeereedkii ku teedsanaa jiinka webiga kana samaysto shirkado waaweyn (Aziende), dadkii dhulka lhaana uu u adegsado aalad wax soo saar. Su'aal kama taagna inay jireen dhallinyaro degaanka u dhashay oo u adeegaayay gumaysiga. yaanan taasi ku si fogaanine, waa tii halgankii gobannimo doonka ahaa ka dib la dhisay dowladdii musuqmaasuqa ahayd 1960 kii. dowladaas oo 9 jirka ku gablantay nafteeda waxaa dhisay gumaysigii Talyaaniga.
iidamadii qalabka siday (Xoogii dalka Soomaaliya) ayaa si fudud ula wareegay xukunkii dalka 1969 kii. Dowladdaas kelitaliska ahayd  waxay markiiba, 1971 kii indhaha ku taagtay ilihii dhaqaale iyo beerihii degmada Afgooye, si aan looga hadlinna wuxuu madaxweynihii, jaale Siyaad ku dhawaaqay barnaamijkii siyaasadeed ee dowladdas ee ahayd in lala wareego hantidii shacabka qaar ka mida ee la dhihi jiray QARAMAYN. intaas keliya kuma ekaanina sidoo kale shaqsiyaad adeegsanaya magac dowladeed huwan ayaa si toos ah iyo si dadbanba xoog ula wareegay beerihii shacabka gaarka u lahaa.
Xiliigii kacaanka ayuu fariistay (freezed) nidaam maamul dhaqameedkii (sistema politico tradizionale) waxay awoodiisu ku soo koobantay dhiig iyo qaaraan.1991 kii ayaa xididdada loo siibaykacaankii 21 ka Oktoobar oo 21 ka sanadood iyo 21 ka maalmood majaraha u soo hayay dalka jasiirad u egta ah (peninsula) ee geeska Afrika ku yaala. Jabhado aan wax hadaf ah lahaayn (senza un obiettivo) ayaa ina)tay hub soo qateen ayaa iyagoo iska didaaya (dudaaya) ; bililiqo, dhac, dil iyo kufsi kula dhaqaaqeen guud ahan soomaaaliya. Shacab qax ah iyo mooryaan indha caddaynaysa intuba waxay isugu yimaadeen degmada Afgooye. Waxba laysma weydiin illayn dad midaysan meesha laguma haayee waxay Afgooye ka mid noqotay xaafadihii Xamay ee "anaa xoreystay" la dhihi jiray. Ka daroo dibi dhal! tolow maxaa lagu arkay? isla markiiba waxaa laa isku fidiyay beerihii. Wey jireen mar walba dad, danahooda gaarka ah dartii isu muujinaayay inay ayaga yihiin guruubka lagala tashado Afgooye. in kastoo ay taasi Afgooye kala siman tahay degmooyinka kale ee gobolka.. Salballaar, .... Maamulkii la dhihi jiray ayaa salballaar ayaa Afgooye saldhigtay kaasoo xoog iyo xeeladba adeegsaday. Aaway dadkii mudnaanta lahaa!... Maya, maya marna lama sugaayo taas.. waayo kala qaybsanaan tii ugu darnayd ayaa ka dhex jirta dadka degaanka. Afgooye gudihiisa waxaa dhegahaaga ku soo dhacaaya GAASHAANBUURTA. Isgaashaanbuureysiga (alliance) muddo hore ayuu ka soo bilaabmay Odayaaasha iyo akhyartii degaanka dhexdooda. Waxaa nasiib darro ah inuu cirka isku shareeray isgaashaanbuurreysigii.  Isgaashaanbuureysiga ka sokow, waxaa soo baxay kooxo oo koox waliba ay iskeed u magacaabaty Nabaddoon, waxaad arkaysaa inta qabaa'ilka in hal qabiil oo keliya leeyahay Ugu yaraan laba nabaddoon. Kooxdii camaamadaha gudguduudan madaxa soo saartay naftooda waxba ma yareysan (maxkamadihii islaamiga)sow la yaab ma lahayn markii kooxdii salballaar markiiba (automatically) isu beddeshay isbahaysigii maxaakiimta.
maalintii salballaar isu beddeshay Isbahaysiga maxaakiimta.(Afgooye)

Dowladihii ku meel gaarka ahaa  intuba isku aragti ayay ka ahaayen xagga degmada. Ka soo qaad in laga gudbay dowlad ku meel gaar ah oo mid rasmi ah loo gudbay, Maxaa is beddelay? waxba! oo maxaa is beddeli lahaa!... La soco in mar kasta degmadu ay ka taliso kooxdii Salballaar. Haddii arrinta Afgooye ay weli sii ahaato isgaashaanbuureysi aan micne ku fadhin waxaa faraha ka bixi doona rajada laga lahaan kaaro mudnaan lahaanshaheeda iyo aayo ka talinteeda (tra due litiganti il terzo gode). 
waxaan qoraalkeyga ku soo afmeerayaa midnimada ha laga wada shaqeeyo. 


Friday, October 18, 2013

Gobolka Shabeelaha Hoose oo la isku dhiidhiibaayo


Gobolka Shabeelaha hoose, oo  markii ugu horeysay (1910 kii)  uu gumeysigu si rasmi ah ula wareegay dhammaan dhulbeereedkii iyo meelihii ugu quruxda badnaa gobolka ayaa waxaad moodaa in, dowlad, jabhad, qabaa'il iyo kooxoba ay u hanqal taagaan sidii ay awood ugu qabsan lahaayeen.

Dowladdii Rayidka (musuqmaasuqa).
Markii gumaysigii Talyaaniga uu xornimada siiyay Soomaaliya 1960 kii,  wax isbeddel ah kuma ay samaynin nidaamkii gumaysiga ee xagga beeraha. Reerihii (family) Talyaaniga ahaa ee degganaa beeraha (Aseendooyinka) ayaa sidoodii ugu raaxaysanaayay. Waxaad moodaa in qof kastaaba uu gobolku ku eegaayo indhihii gumaysiga.

Dowladdii Kacaanka (xukunkii militeriga).
Markuu kacaanku la wareegay xukunkii dalka Soomaaliya sannadkii 1969 kii, laba sanadood ka dib, 1973 dii ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in wax walba la qarameeyay (nationzlization). Beerihii gumaysigu ku fadhiyay ayaa waxaa la wareegay shaqsiyaad dowladda ka tirsan, reerahooda iyo weliba dad xumaddaas ka ag dhowaa. xukunkaasi kuma uusan ekaan keliya beerihii gumaysigu haystay waxaa sidoo kale si xeelad iyo xoogba loola wareegay beerihii shacabka.

Xilligii fowdada iyo dowladdii salballaar.
Markii Ururkii la dhihi jiray USC, oo shacabka Soomaaliyeed markuu la yaabay u bixiyay magacyo kala duwan sida, (ciyoow i sii, yuq i sii iwm.), taageerayaashiisa oo intay qoryo (hub) garbaha soo saarteen ayagoo iska didaayana dil, dhac, buburin iyo kufsiba ku bilaabay dalka gaar ahaan koofurta xididdada u siibay kacaankii Oktoobar 1991 kii, iyadoo wax loo aabayeelayl aysan jirin haddana waxaa sidoo kale la isku ballaariyay isla beerihii, Waxaa dadka gobolka lagu qasbi jiray inay ka shaqeeyaan beeraha.

Isbahaysigii maxaakiimka islaamiga.
Markii loo taag waayay mooryaantii dadka xaxda u keenay, yar iyo weyn ay jidka ka mari waayeen oo ay dhac, kufsi iyo dilba u gaysanayeen  ayaa qaar ka mida xaafadaha magaalada muqdisho laga abaabulay maxkamado la siiyay magaca Islaami. MAXKAMADDA XAAFADDA ..HEBLAAYA....(2006). Si isdaba joog ah ayay maxkamadihii u samaysmeen. Ka dib waxaa samaysmay isbahaysigii la dhihi jiray Isbahaysiga maxaakiimka Islaamiga ah oo bilaabay inay isku fidiyaan gobollada dalka.
Bishii september 2006 dii waxaa uu shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyayaashii Maxaakiimta iyo kuwii haystay maamulkii gobolka, oo marba nidaamkii dalka .yimaada qaadanaayay,  ka dhacay degmada Afgooye. shirkaasna waxaa gobolka sh. hoose loogu wareejiyay ururkii la dhihi jiray maxaakiimta islaamiga ah iyadoo dadkii gobolka u dhashayna ay waxba kala socon. (Fiiri video).
Al shabaab oo ah koox ka mid ahayd Isbahaysigii maxaakiimta oo isu muujinaysay inay ka wanaagsan yihiin dhaamaan qolooyinkii kale oo dhan ayaa waxay lahaayeen saasaan aad ugu midab ekaa dhammaan. balse
                                       Gobolka sh. hoose oo lagu wareejinaayo maxaakiimta


Dowladihii Ku meel gaarka ahaa.
Dhowr dowladood oo ku meel gaar ah ayaa lagu soo dhisay waddamka dibaddiisa sida, Jabuuti (1992), Jabuuti (carta 2000), Kenya (2004) ??, Jabuuti (2008). ma jiro wax isbeddel ah oo lagu sameeyay gobolka sh. hoose. weli waxaa fiirinayaa indhihii gumaysiga. waxaa maamulkeeda weli gacanta ku haya raggii hadba qaadanaayay midabka maamulkii yimaada. u fiirso cidda maamulka gobolka sh. hoose majaraha u haysa. Iyadoo qof kastaaba uu ka dheregsan yahay in gabood fallo (Human violation) iyo sheegasho xaqdarro ah ee mudnaanta gobolka shabeelaha hoose, weli lama arkin dowlad ka hadasha dhibaatooyinka ka dhaca. Iskaba daa ka hadal e' waxaaba lagu sii hubeeyaa oo labis ciidan iyo darajooyinba la siugu daraa mooryaanta xoogga ku haysta Gobolka shabeelaha Hoose.

Dowlad Rasmi ah!
Bishii seteember 2012 kii ayaa la sheegaa in laga baxay dowlad ku meel gaar oo loo gudbay dowlad rasmi ah, waana maalinta loo doortay Xasan sheekh madaxweynaha Somaliya. Ka daroo dibi dhal!. Mooryaantii xoogga ku haysatay ayagoo ku labisan dhar ciidan garabkana ku wata calankii Soomaaliyeed, ayagoo diidan ianay dadka degaanka iska difaacaan dhaca iyo dilka loo geysanaayo, ayaa bilaabay inay toos u weeraraan dadkii degaanka, waxayna ku sheegeen in dadka  ay la dagaalaayaan yihiin Al-shabaab.

Dadka degaanka!
Nimay shantaada kaa reebin sharci kaama reebo. 
Dadka degaanka waa dad lagu yaqaano nabad jeceel, derisnimo wanaag, dowlad ku nool, aadna u dhowra nidaanka. waa dad runtii Eebe uu siiyay dulqaad dheeraad ah soo dhoweyntana aad ugu fiican. Waa dad aan aqoon ficil wax la yiraahdo oo qofkii ooya la ooya!.... taas micnaheeda ma ahan inaysan dagaalami karin oo ciidan xoog badan ayay lahaan jireen gumaysigii ka hor oo maamulkoodu wuxuu ku ekaa marka magaalada Muqdisho la fiiryo waddadii la dhihi jiray Vittorio Emanuelle ee uu ku fadhiyo Matxafkii (Museum), waxaa kaloo tusaale kuu ah dagaalkii 4 ta bilood meeshaas waxay noqotay ama la dhihi jiray KHATKA CAGAARAN
                                                                  
Haddaba haddii nidaamyadii (institution) qaanuuniga ahaa ee dalka soo mary, ama KMG ha ahaado ama RASMI ha ahaadee, haddii aanay jegba jalaq u siin taasna micnaheeda ay tahay  wax la isku raacsan yahay(consensus), reer shabeelaha hoose waa inay u guntadaan iska dhicinta tuugada dhaca u gaysanaaya degaankooda  kuwa walaalahooda ah ee jeebka lagu watana ... faaiido ma lahan. ayaga ayay u taalaa



Sunday, September 8, 2013

Somalida dad qabiilka qarqiyay!


Meel kasta ugama baxsanaysid. Balse waxaa ka sii daran iyadoo qarnigii 21aad la joogo horumarna laga gaaray xagga technology-yada (farsamada cusub), isgaarsiintuna ay hirumartay, Dad lagu sheego inay aqoon leeyihiin madaxna ah inta ay keeeni lahaayeen maskax beddesha tii boqolaalka sano lagu soo jiray, inay xafiisyadooda yihiin meelaha ugu musuq maasuqa badan (Qabyaaladda badan).

Wednesday, August 28, 2013

Somalida dad qabiilku qarqiyay!

Xilligii fawdada iyo dagaaladii sokeeye!
 Qaybtii 3aad.

Markii dowladdii kacaanka ay dhexda ka baxday, waxaa bilaabatay in ururkii muqdisho qabsaday ee USC xaafadaha xamar qabiil lagu kala qaybsado, isla markaana waxaa soo ifbaxay ururro xambarsan magaca qabiilka. USC (Hawiye), SDM (Digilmirifle), SNM (Dir), SPM (ogaadeen), SSF (Majeerteen) iyo kuwo kaloo badan oo xarafka [ S ] ka wada bilaabma. Qabiil qabiil ayaa la isu ugaarsaday sidii in weligeed aan dib dambe la isugu soo noqon doonin ayaa la isula dhaqmay. Dhac, dil, jir jil, kufsi aflagaado iwm ayaa dhacay. qabiil kasta wuxuu abada gashaday meeshii uu ka soo jeeday (Degaankiisii).

Dagaaladii sokeeye
Dagaaal sokeeye waa dagaal ka dhex dhaca laba koox, urur, qabiil iwm. oo ka soo jeeda hal dal ama hal gobol iwm. Culumaa'uddiin, aqoon-yahan, wax garad, habeen iyo caruur iyo waayeel ayaa qabiil ahaan loo ihaanaystay inti ay socdeen dagaaladii qabaa'ilka (sokeeye) in fara badanna noloshooda ayay ku waayeen. Urur waa la iskala baxay, beel-beel iyo weliba laf-laf ayay gaartay. Dadkii sanado badan deris ahaa oo sidii walaalaha u dhaqmi jiraray warkooda iska daa, waxaa kala dhex galay ceeryaamo. wey kala baqaayeen. Waa la kala tegay. Mashriq iyo Magrib ayaa loo kala firdhaday.
"Anagoo reer hebel ah"  wuxuu ahaa erey aad iyo aad uGu dhex baahay soomaalida. Tan uGu daran ayaa ahayd marka qof la dilo ama la arko meyd meel yaala waxaa la dhihi jiray "yuu yahay?!"

Hoggaamiye kooxeed!
Ururradii markii horeba ku dhisnaa qowmiyad ayaa markii dambe u kala dhambalmay beelo iyo jufooyin oo jufo kastaa waxay yeelatay hoggaamiye. hoggaamiye kastaana wuxuu xirtay xaafaddii uu degganaa oo ay beeshiisu ku badnayd maamul isaga u gaar ahna u samaystay. qofna xaafadda beeshiisu deggan tahay ma dhaafi jirin. qofkii xaafad aan beeshiisu degganayd lagu arko waxaa la dhihi jiray waa sahan (basaas), adiga bal sheeg waxa la sahaminaayo!..
xabbadaha iyo madaafiicda waxaa loo tuuri jiray meesha qabiilka lala gagashan yahay uu deggan yahay, cidda uu doono ha ku dhaco kolleey sow reer hebel uun ma ahan!

Mooryaan!
ciidamada hoggaaamiye kooxeedyada nolo maalmeedkooda waxay ka raadsan jireen shacabka oo ay u gali jireen jidadka si ay u baaartaan, kuwaasi waxaa lagu magacaabi jiray mooryaan. Cid ay u aaba yeeli jireen lama arko waxay yaqaaneen oo kaliya dhaqaalaha ama shayga qaaliga ah ee ay ka furanaayaan qofkii shabaqooda uGu soo dhaca.

Isbahaysigii maxkamadaha!
Dagaallo hadday dhacaan dhibaatooyin aad u baaxad weyn ayaa ka dhasha. Markii mooryaantii maara loo waayey, beel kasta waxay xaafadda ay deggan tahay ka samaysatay maxkamad oo ay uGu magic dareen Islaami si loo cabsi geliyo mooryaanta si xaafaddaasi ay u noqoto ammaan. Sidii ururradii qabaa'il ee [S] kawada bilaaban jiray ay u samyameen ayay maxaakiimtana u samaysmeen iyadoo qabiil kasta uu samaystay maxkamad. Balse, hoggaamiye kooxeedyadii ayay u cuntami weyday maxaakiimta iyo dhaqankooda, waxaa bilaabmay is ugaarsi maxaakiimta iyo hoggaamiye kooxedyadii. waxaa ka dib maxakiimtu samaysteen Isbahaysigii lagu magacaabi jiray Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamiga. Sidoo kale ayay ayagoo naftooda u baqaaya hoggaamiye kooxeedyadii samaysteen isbahaysi ay uGu magic dareen Argagixiso la dirir. Dagaal looga adkaaday argagixiso la dirirka iyo isbahaysigii maxaakiinta ayaa dhacay. si daran-doori ah ayay u samaysmeen maxaakiim islaami. guushii maxaakiimta ka dib ayay bilabeen inay u hanqal taagaan inay qabsadaan degaano kale iyo gobollo si ay u ballaarsadaan xukunkooda. qaab-dhismeedka isbahaysigii maxaakiimta ma ahayn mid ka duwan
qaabkii ay u dhisnaayeen ururadii ka horeeyay,(hab qabiil wax ku qaybsi).

Dowladdii ku meel-gaarka!
Sannadkii 2004-tii ayaa dalka Kenya lagu soo dhisay dowlad ku meelgaar ahayd.
Dowladdaas ayaa iyadana lagu soo dhisay habkii qabaa'ilka ee 4.5 -ka la dhihi jiray. Qabiil ahaan ayaa dowladdaasi loola dagaalay. 2008-dii ayaa madaxweyne kale loo doortay dowladdii KMG ahayd. dhismaha dowladda ayaa mar walba lagu saleyn jiray qabiil.

waa socotaa




















































































































































































































































































Sunday, August 4, 2013

Soomaalida dad qabiilku qarqiyay!

Qaybtii 2aad.

Gumaysigii reer galbeedka (Talyaaniga) sidii qorshihiisa gumaysi uu ugu fuli lahaa wuxuu adeegsaday dhallinyaro markii horeba gacan yarayaal u ahaa una adeegi jiray raggii dhaqanka. Kuwaas oo loogu yeeri jiray (sagalo) iwm. ayaa gumaysiga u keeni jiray ama farta uGu fiiqi jiray dhallinyaro (wiil & gabar) ayagana loo isticmaalo Qalab ahaan (tool). 


Xilligii xornimo doonka!
 Guud ahaan soomaaliada wey ka wada sinnayd in la iska qaado gumaysiga. dadkii ka soo horjeeday gumaysiga waxay markii horeba dil ku bilaabeen kuwii u adeegi jiray gumaysiga. 1945-tii, xisbigii xornimo doonka ahaa ee (SYL) ayaa la aasaasay in kastoo magacii hore uu ahaa Somali Youth Club SYC, ka dib maxaa dhacay?... is qabqabsi ka yimid qabyaalad ka dibna waxaa ururka isaga tegay asaasayaashii ururka  oo mar kale aasaasay ururkii la dhihi jiray (HDMS) Hizbia Digil Mirifle Somali ka dibna isu beddelay HDMS Hizbia Dastuur Mustaqbal Somali. In ka badan 80-meeyo Urur oo xambaarsan magac qabiil amaba magac degaan ayaa samaysmay Sida SNL, USP,. dilalna waa ay dhaceen!. waayo, si hoose ayaa aano qabiil la isugu dili jiray.                                                               (aqri La Somalia Italiana 1945) ama Wikipedia Somali Youth League).

Xilligii dowladdii rayidka ahayd ee 1960-kii!
Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu hamuun qabeen xornimo iyo dowlad Soomaaliyeed oo dhulka Soomaaliyeed ka arrimisa inay mar uun arkaan. gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa 26-kii juun waxay qaateen xorriyad, halka 1-dii luulyo-na ay Gobollada Koofureed xoroobeen isla markaana waqooyi iyo koofur midoobeen. Dowladdii rayidka ahayd oo ay hoggaaminayeen dad aan aqoon sidaas loo sheego lahayn haddana markii ay wax yar jirtay waxaa soo if baxay qabyaaladdii. waxaan tusaale u soo qaadan karnaa shiribkii ahaa; Rashiid ka qaad Rasaaq u dhiib inta kale ma rootiyaa! Musuqmaasuqa iyo adeegsiga qabiilka wuxuu iska ahaa mid baahsan balse shacabku aanu u muuqan. baarlamaankii dowladdii rayidka ahayd dhexdiisa ayuu ka bilaabmay is qabqabsiga uGu dambayntiina  Oktoobar 1969kii waxaa la dilay madaxweynihii dowladdaas.

Xilligii Kacaanka!
Dilkii madaxweynihii dowladdii rayidka ahayd ka dib waxaa baarlamaanka dhexdiisa ku xoogaystay is qabqabsigii qabaa'ilka kaasoo ku salaysnaa kursiga madaxweynaha ciddii qaban lahayd.
21-kii Oktoobar 1969-kii ayaa ciidamadii qalabka siday (Xoogga Dalka Soomaaliya), si fudud kula wareegeen maamulkii dalka dowladdii rayidka ahaydna sidaasi meesha uga baxday. Shacabka (qof kasta) Buulkiisa ayuu madaxa gashaday ka dib markii la arkay in meel kasta ay la wareegeen ciidamada, shibeey-shib. Laba sanadood ka dib, 1972 dii, maalin maalmaha ka mida ayaa, anigoo ah arday dugsiga hoose kana soo rawaxay school-kii, waxaan, meel barxad ahayd oo ku tiilay meesha hadda uu ka dhisan yahay baarlamaanka (golaha shacabka) soona xigtay dhanka baar bulsho ee beerta daraawiishta, ka dul dhacay khudbad uu jeedinaayay qof ka mid ahaa madaxdii kacaanka oo markaas dalka maamulkiisa gacanta ku haysay (madaxweyne ku xigeen) . waxaan ka mid noqday shacabkii markaas meesha dhoobnaa ee dhageysanayay khudbadii socotay, waxaa meesha yiilay gaari xamuul ahaa oo uu saarnaa sanam dhoobo laga soo sameeyay oo sidii qof loo qoray oo calool weyn iyo ilko dhaadheer leh oo aad loo fool xumeeyay. Waxaan ka xusuustaa laba erey oo markaas aan filaayo inay ku saabsanaayeen munaasabdii meeshaas ka jirtay. Ereyga uGu muhiimsanaa ee munaasabadaas xoogga ku lahaa wuxuu ahaa: "maanta laga bilaabo waxaanu aasaynaa qabiilka" ereyga kale ayaa isna wuxuu ahaa; "xaafaddan hadda aynu joogno waxaa hadda ka dib loogu yeeri doonaa Hawlwadaag" uGu dambayntiina waxaa gaariga laga soo dejiyay sanamkii ka dibna  shacabkii meesha ku sugnaa ayaa si xamaasad leh ugu burburiyay sanamkii ayagoo ku dhawaaqaayay "aasa qabiilka aasa iwm." dadka inta badan dhagxaan meesha dhoobnaa ayay ku tuurtuurayeen waayo, waxaan filayaa in markaasiba uu baarlamaanka dhisme ku socday. Run miyay ahayd in qabyaaladda la aasay? maya .. maya, qabyaaladda sidee uGu aasmi kartaa Soomaaliya? Seeftii kacaanka ayuu qof kastaa ka baqaayay, laakiin gudaha iyo hareeraha maamulkaas dadka ka ag dhow waxay awoodeen inay qaab dowladeed u adeegsadaan qabyaaladdu ama hanti qaran ha lagu dhaco ama mid gaar ahaneed ha lagu dhaco ama dhul ha lagu dhaco ama beer ha lagu dhacee. 80-meeyadii wax daah ah ma saarnayn qabyaaladdu. Qof kasta oo markaasi wax fahmaayay ayaa bilaabay inuu ku fekero sidii uu mar uun u noqon lahaa madax si uu hanti u helo qabiilkiisana siiba laftiisa uu naas u nuujin lahaa, waa tii hal mar ay bahashu qaraxday. kabteyda yaa arkay armeyna ka dhicin!.

Waa socotaa.....
W/qoray: Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf
ayfo_org@yahoo.com
www.blogspot/aayuusuf.com

Thursday, August 1, 2013

Gobolka shabeelaha hoose ....!

Waa mid hore loo soo abaabulay, isla markaana ficil ahaan (practice) loogu sameeyay sidii gobolka shabeelaha hoose uu u noqon lahaa mid uGu dhaca gacan dad aan asal ahaan wax mudnaan ah aan ku lahayn aaya ka talintiisa. www.facebook.com/Abdulrahim ali yusuf