Sunday, November 17, 2013

Afgooye, Gees (xagal) ka mid ah Jannadii dhulka.

Isbed-beddelka socodka taariikhed iyo hadba sida ay mugdiga u geleyso mudnaan lahaanshaha iyo aayo ka talinta degmada Afgooye.

Hordhac:

Taariikhdu, sida badan laba siyaabood ayay ku gaari kartaa jiilka iman doona (the next generation).
Waa marka hore e, iyada oo sheeko ahaan lo sheego (traditional history), taasna waxaa nasib u yeelan kara qofkii ku soo gaara  awooweyaashiisa oo nool iyo habka kale oo ah iyadoo la qoro (written story).
Guud ahaan, qoraayaal carbeed iyo kuwo reer galbeed ah oo Soomaaliya soo gaaray qarniyo hore ayaa wax ka qoray inta badan taariikhda degmada Afgooye. Balse. sababta aan qalinka u qaatay ayaa waxay tahay inaan isku dayo sidii aan wax yar uga iftiimin lahaa xilligii iyo sidii ay ku bilaabatay in degmada Afgooye ay markasta u maamulaan dad aan, haba yaraatee, wax raad ah ku yeelan karin taariikh ahaan iyo degaan ahaan intaba iyo sababta ka dambeysa in ay taasi dhacdo. Inta aynaan u guda gelin qormadeenan bal aan is yara xusuusino in, ka hor qarnigii 19aad, reer galbeedkii iman jiray geeska Afrika ay ku hungoobi jireen inay gudaha u galaan Afgooye. Laba wiil oo walaalo ah oo u dhashay dalka Netherlands oo laba jeer ee kala duduwan gaaray Afgooye ayaan la ogayn halka ay ku dambeeyaan (horn of Africa in 1730 ). Degmada ilaaladeeda aad ayuu u adkaa. Qo aan la aqoonna si fudud gudaha uma uu geli kareynin, qofkii yimaada waxaa la weydiin jirey halka iyo qofka uu u socdo ayadoo korkana lagala socon jiray (undercontrol), ilaa horaantii toddobaatameeyadii waa muuqanaysay astaantaas. Halkaasina waxaad ka garan kartaa xagga sirdoonka iyo amniga ee saldanaddii Ggaladi-ga uu aad u sareeyay. (Dagaalladii Lafoole iyo Lafo-gaalo tusaale inoogu filan). Socotadii (travellers) reer galbeedka qaarkood ee soo gaaray Afgooye qarnigii 17 aad, ayagoo tilmaamaaya halka ay ku taalo, dhirteeda waaweyn, waddooyinkii ganacsi ee dhexmari jiray iyo webi shabeele oo dhexmara ayay ku tilmaameen inay tahay "Gees (xagal) ka mida jannadii dhulka" Un' angolo del paradiso terrestre.
                                                                                                                                                           Afgooye 1936
Goorma ayay bilaabatay maxaase u sabab ah!
Dhacdo kasta sida ay doontaba ha ahaatee, ee soo ifbaxda ama la arko xilliga markaas  la joogo (in the present time) waa mid hore u soo bilaabaty oo keentay sabab (reason). Hadaba haddii ay afgooye ahayd sida aan hordhaca uga soo hadalnay (si aad u kooban), waxaa la is weydiin karaa su'aasha ah;(maxaa keeni kara inay mugdi gasho mudnaan lahaanshaha iyo aayo ka talinta degmada Afgooye). Waxii ka dambeeyay 1878 dii waxaa bilaabmay burburkii saldanaddii awooda badnayd ee Galadi, mar haddii maamul awoodiisa mileteri ay yaraatana waxaa ku xigaaya in hay'adihii maamul ee asaasiga ahaana ay kala daataan.
Waxay soo socotaba markii gumaysigii reer galbeedka (Talyaaniga) uu soo caga dhigay geyiga Soomaaliya 1890 kii waxa uu bilaabay inuu ku dhaqaaqo qorshihii lagu gaaray shirkii baarliin ee 1884 ee ahaa qaybi oo xukun (divide and rule). Markiiba waxaa soo ifbaxay fikrado  kala duduwan taasoo ugu dambayntii keentay isgaashaanbuuraysi ka dhex dhashay odayaashii iyo akhyaartii degmada Afgooye taasna waxay gumaysiga u sahashay inuu markiiba saldhigto sidii uu rabayna u fushado ujeedooyinkii gumaysi. waxaana u suura gashay inuu isku fidiyo dhulbeereedkii ku teedsanaa jiinka webiga kana samaysto shirkado waaweyn (Aziende), dadkii dhulka lhaana uu u adegsado aalad wax soo saar. Su'aal kama taagna inay jireen dhallinyaro degaanka u dhashay oo u adeegaayay gumaysiga. yaanan taasi ku si fogaanine, waa tii halgankii gobannimo doonka ahaa ka dib la dhisay dowladdii musuqmaasuqa ahayd 1960 kii. dowladaas oo 9 jirka ku gablantay nafteeda waxaa dhisay gumaysigii Talyaaniga.
iidamadii qalabka siday (Xoogii dalka Soomaaliya) ayaa si fudud ula wareegay xukunkii dalka 1969 kii. Dowladdaas kelitaliska ahayd  waxay markiiba, 1971 kii indhaha ku taagtay ilihii dhaqaale iyo beerihii degmada Afgooye, si aan looga hadlinna wuxuu madaxweynihii, jaale Siyaad ku dhawaaqay barnaamijkii siyaasadeed ee dowladdas ee ahayd in lala wareego hantidii shacabka qaar ka mida ee la dhihi jiray QARAMAYN. intaas keliya kuma ekaanina sidoo kale shaqsiyaad adeegsanaya magac dowladeed huwan ayaa si toos ah iyo si dadbanba xoog ula wareegay beerihii shacabka gaarka u lahaa.
Xiliigii kacaanka ayuu fariistay (freezed) nidaam maamul dhaqameedkii (sistema politico tradizionale) waxay awoodiisu ku soo koobantay dhiig iyo qaaraan.1991 kii ayaa xididdada loo siibaykacaankii 21 ka Oktoobar oo 21 ka sanadood iyo 21 ka maalmood majaraha u soo hayay dalka jasiirad u egta ah (peninsula) ee geeska Afrika ku yaala. Jabhado aan wax hadaf ah lahaayn (senza un obiettivo) ayaa ina)tay hub soo qateen ayaa iyagoo iska didaaya (dudaaya) ; bililiqo, dhac, dil iyo kufsi kula dhaqaaqeen guud ahan soomaaaliya. Shacab qax ah iyo mooryaan indha caddaynaysa intuba waxay isugu yimaadeen degmada Afgooye. Waxba laysma weydiin illayn dad midaysan meesha laguma haayee waxay Afgooye ka mid noqotay xaafadihii Xamay ee "anaa xoreystay" la dhihi jiray. Ka daroo dibi dhal! tolow maxaa lagu arkay? isla markiiba waxaa laa isku fidiyay beerihii. Wey jireen mar walba dad, danahooda gaarka ah dartii isu muujinaayay inay ayaga yihiin guruubka lagala tashado Afgooye. in kastoo ay taasi Afgooye kala siman tahay degmooyinka kale ee gobolka.. Salballaar, .... Maamulkii la dhihi jiray ayaa salballaar ayaa Afgooye saldhigtay kaasoo xoog iyo xeeladba adeegsaday. Aaway dadkii mudnaanta lahaa!... Maya, maya marna lama sugaayo taas.. waayo kala qaybsanaan tii ugu darnayd ayaa ka dhex jirta dadka degaanka. Afgooye gudihiisa waxaa dhegahaaga ku soo dhacaaya GAASHAANBUURTA. Isgaashaanbuureysiga (alliance) muddo hore ayuu ka soo bilaabmay Odayaaasha iyo akhyartii degaanka dhexdooda. Waxaa nasiib darro ah inuu cirka isku shareeray isgaashaanbuurreysigii.  Isgaashaanbuureysiga ka sokow, waxaa soo baxay kooxo oo koox waliba ay iskeed u magacaabaty Nabaddoon, waxaad arkaysaa inta qabaa'ilka in hal qabiil oo keliya leeyahay Ugu yaraan laba nabaddoon. Kooxdii camaamadaha gudguduudan madaxa soo saartay naftooda waxba ma yareysan (maxkamadihii islaamiga)sow la yaab ma lahayn markii kooxdii salballaar markiiba (automatically) isu beddeshay isbahaysigii maxaakiimta.
maalintii salballaar isu beddeshay Isbahaysiga maxaakiimta.(Afgooye)

Dowladihii ku meel gaarka ahaa  intuba isku aragti ayay ka ahaayen xagga degmada. Ka soo qaad in laga gudbay dowlad ku meel gaar ah oo mid rasmi ah loo gudbay, Maxaa is beddelay? waxba! oo maxaa is beddeli lahaa!... La soco in mar kasta degmadu ay ka taliso kooxdii Salballaar. Haddii arrinta Afgooye ay weli sii ahaato isgaashaanbuureysi aan micne ku fadhin waxaa faraha ka bixi doona rajada laga lahaan kaaro mudnaan lahaanshaheeda iyo aayo ka talinteeda (tra due litiganti il terzo gode). 
waxaan qoraalkeyga ku soo afmeerayaa midnimada ha laga wada shaqeeyo.