Gobolka Shabeelaha hoose, oo markii ugu horeysay (1910 kii) uu gumeysigu si rasmi ah ula wareegay dhammaan dhulbeereedkii iyo meelihii ugu quruxda badnaa gobolka ayaa waxaad moodaa in, dowlad, jabhad, qabaa'il iyo kooxoba ay u hanqal taagaan sidii ay awood ugu qabsan lahaayeen.
Dowladdii Rayidka (musuqmaasuqa).
Markii gumaysigii Talyaaniga uu xornimada siiyay Soomaaliya 1960 kii, wax isbeddel ah kuma ay samaynin nidaamkii gumaysiga ee xagga beeraha. Reerihii (family) Talyaaniga ahaa ee degganaa beeraha (Aseendooyinka) ayaa sidoodii ugu raaxaysanaayay. Waxaad moodaa in qof kastaaba uu gobolku ku eegaayo indhihii gumaysiga.
Dowladdii Kacaanka (xukunkii militeriga).
Markuu kacaanku la wareegay xukunkii dalka Soomaaliya sannadkii 1969 kii, laba sanadood ka dib, 1973 dii ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in wax walba la qarameeyay (nationzlization). Beerihii gumaysigu ku fadhiyay ayaa waxaa la wareegay shaqsiyaad dowladda ka tirsan, reerahooda iyo weliba dad xumaddaas ka ag dhowaa. xukunkaasi kuma uusan ekaan keliya beerihii gumaysigu haystay waxaa sidoo kale si xeelad iyo xoogba loola wareegay beerihii shacabka.
Xilligii fowdada iyo dowladdii salballaar.
Markii Ururkii la dhihi jiray USC, oo shacabka Soomaaliyeed markuu la yaabay u bixiyay magacyo kala duwan sida, (ciyoow i sii, yuq i sii iwm.), taageerayaashiisa oo intay qoryo (hub) garbaha soo saarteen ayagoo iska didaayana dil, dhac, buburin iyo kufsiba ku bilaabay dalka gaar ahaan koofurta xididdada u siibay kacaankii Oktoobar 1991 kii, iyadoo wax loo aabayeelayl aysan jirin haddana waxaa sidoo kale la isku ballaariyay isla beerihii, Waxaa dadka gobolka lagu qasbi jiray inay ka shaqeeyaan beeraha.
Isbahaysigii maxaakiimka islaamiga.
Markii loo taag waayay mooryaantii dadka xaxda u keenay, yar iyo weyn ay jidka ka mari waayeen oo ay dhac, kufsi iyo dilba u gaysanayeen ayaa qaar ka mida xaafadaha magaalada muqdisho laga abaabulay maxkamado la siiyay magaca Islaami. MAXKAMADDA XAAFADDA ..HEBLAAYA....(2006). Si isdaba joog ah ayay maxkamadihii u samaysmeen. Ka dib waxaa samaysmay isbahaysigii la dhihi jiray Isbahaysiga maxaakiimka Islaamiga ah oo bilaabay inay isku fidiyaan gobollada dalka.
Bishii september 2006 dii waxaa uu shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyayaashii Maxaakiimta iyo kuwii haystay maamulkii gobolka, oo marba nidaamkii dalka .yimaada qaadanaayay, ka dhacay degmada Afgooye. shirkaasna waxaa gobolka sh. hoose loogu wareejiyay ururkii la dhihi jiray maxaakiimta islaamiga ah iyadoo dadkii gobolka u dhashayna ay waxba kala socon. (Fiiri video).
Al shabaab oo ah koox ka mid ahayd Isbahaysigii maxaakiimta oo isu muujinaysay inay ka wanaagsan yihiin dhaamaan qolooyinkii kale oo dhan ayaa waxay lahaayeen saasaan aad ugu midab ekaa dhammaan. balse
Gobolka sh. hoose oo lagu wareejinaayo maxaakiimta
Dowladihii Ku meel gaarka ahaa.
Dhowr dowladood oo ku meel gaar ah ayaa lagu soo dhisay waddamka dibaddiisa sida, Jabuuti (1992), Jabuuti (carta 2000), Kenya (2004) ??, Jabuuti (2008). ma jiro wax isbeddel ah oo lagu sameeyay gobolka sh. hoose. weli waxaa fiirinayaa indhihii gumaysiga. waxaa maamulkeeda weli gacanta ku haya raggii hadba qaadanaayay midabka maamulkii yimaada. u fiirso cidda maamulka gobolka sh. hoose majaraha u haysa. Iyadoo qof kastaaba uu ka dheregsan yahay in gabood fallo (Human violation) iyo sheegasho xaqdarro ah ee mudnaanta gobolka shabeelaha hoose, weli lama arkin dowlad ka hadasha dhibaatooyinka ka dhaca. Iskaba daa ka hadal e' waxaaba lagu sii hubeeyaa oo labis ciidan iyo darajooyinba la siugu daraa mooryaanta xoogga ku haysta Gobolka shabeelaha Hoose.
Dowlad Rasmi ah!
Bishii seteember 2012 kii ayaa la sheegaa in laga baxay dowlad ku meel gaar oo loo gudbay dowlad rasmi ah, waana maalinta loo doortay Xasan sheekh madaxweynaha Somaliya. Ka daroo dibi dhal!. Mooryaantii xoogga ku haysatay ayagoo ku labisan dhar ciidan garabkana ku wata calankii Soomaaliyeed, ayagoo diidan ianay dadka degaanka iska difaacaan dhaca iyo dilka loo geysanaayo, ayaa bilaabay inay toos u weeraraan dadkii degaanka, waxayna ku sheegeen in dadka ay la dagaalaayaan yihiin Al-shabaab.
Dadka degaanka!
Nimay shantaada kaa reebin sharci kaama reebo.
Dadka degaanka waa dad lagu yaqaano nabad jeceel, derisnimo wanaag, dowlad ku nool, aadna u dhowra nidaanka. waa dad runtii Eebe uu siiyay dulqaad dheeraad ah soo dhoweyntana aad ugu fiican. Waa dad aan aqoon ficil wax la yiraahdo oo qofkii ooya la ooya!.... taas micnaheeda ma ahan inaysan dagaalami karin oo ciidan xoog badan ayay lahaan jireen gumaysigii ka hor oo maamulkoodu wuxuu ku ekaa marka magaalada Muqdisho la fiiryo waddadii la dhihi jiray Vittorio Emanuelle ee uu ku fadhiyo Matxafkii (Museum), waxaa kaloo tusaale kuu ah dagaalkii 4 ta bilood meeshaas waxay noqotay ama la dhihi jiray KHATKA CAGAARAN
Haddaba haddii nidaamyadii (institution) qaanuuniga ahaa ee dalka soo mary, ama KMG ha ahaado ama RASMI ha ahaadee, haddii aanay jegba jalaq u siin taasna micnaheeda ay tahay wax la isku raacsan yahay(consensus), reer shabeelaha hoose waa inay u guntadaan iska dhicinta tuugada dhaca u gaysanaaya degaankooda kuwa walaalahooda ah ee jeebka lagu watana ... faaiido ma lahan. ayaga ayay u taalaa